AMAL EXPRESS

Ku soo dhawaaw adeega Amal Express. Amal Express waa xawaalad u adeegta dadka Soomaaliyeed xafisyana ku leh Afrika, Europe, Asia, Amerika, Australia. Amal adeegeeda waxaa laga heli karaa magaalooyinka waaweyn ee wadanka Sweden oo dhan. Shirkaddu waxay xooga saarta sidii marwalba looga haqabtiri lahaa macaamiisha waxay u baahan yihiin. Amal Express waxay diyaar u tahay inay u adeegto macaamiisheeda, wixii ka xumadana isla markiiba xaliso.
Macaamisha ku xiran Amal Express waxay helayaan faaìdooyin badan, lacagta oo wakhti yar lagu qaato, amaano iyo adeeg hufan.
La xiriir xafiiska kuugu dhaw. Halkaas waxaa gacma furan kuugu soo dhawaynaya akhyaar kuu adeegta.Waxaa kaa gudoomaynaa fariimaha lacagta ah ee aad u gudbinaysid qaraabadaada iyo asxaabtooda.

LACAG DIRISTA

Lacagta aad dirtid wakhti yar ayaa qofkii loo diray ku qaadanayaa. Hadii lacag laguu soo diro magaca ku qoran kaarkaada aqoonsiga iyo magaca lacagta ku qoran waa inay isku mid yihiin. Macaamiisha waa in ay diyaar la noqdaan maclumaadka looga baahanyahay. Maalinkasta waxaa dhaca 26 burcadnimo. Burcadnimadaas waxay ku dhacdaa shakhsiyaadka, dukaamo iyo bangiyo. Hadii aan yarayno isticmaalka lacagaha cad waxaa yaraanaya falalka burcadnimada.

Sharciyada lacag dirista

Shirkadaha ka shaqeeya lacagaha waa masuuliyadooda in ay markasta aqoonsadaan macaamiisha diraya lacagaha. Macamiilka waxaa laga rabaa koobi kaarkiisa aqoonsiga, magaca, cinwaanka, lamabarka dhalashada, saxiix iyo telefonnummer.
Shaqaalaha shirkada markasta waxay ku waydiin karaan sababta aad lacagta u diraysid. Waxay kaloo ku waydiin doonaan qoraal aad ku xaqiijinaysid meeshaad lacagta ka keentay sida warqada mushaarka iwm. Hadii aan la qeexin lacagta meesha ay ka timid waxay khatar ugu jirtaa inay noqoto lacag sharci-darro ah.
Markasta oo ay lacagta aad diraysid ka badan tahay 10.000 kronor waxaa imaan doono suaalo iyo inaad keentid cadaymo. Amal Express maclumaadka macaamiishu dhiibto waxaa lagu xifdinayaa faylal iyo it systemka shirkada.